Khayre iyo madaxa hay'adda WHO oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa shaaciyey in ay khadka telefoonka kuwada hadleen isaga iyo madaxa Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa dhankiisa wali soo hadal-qaadin shaacinta wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa bogga Twitter-ka ayaa daboolka ka qaadey in ay kawada hadleen arrimo ku saabsan safmarka Coronavirus.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, Khayre ayaa Ghebreyesus wuxuu kaga mahadceliyey balanqaadkiisa ah in uu garab taagan yahay Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaare Khayre ayaa tibaaxay in uu Ghebreyesus uga warbixiyey dedaalada Soomaaliya ee ka hortagga caabuqa sidda fudud u faafa iyo sidda ay u soo gaartay taageerada WHO.

Soomaaliya ayaa xaqiijisay 671 kiis oo ah Coronavirus, 31 geeri ah iyo 34 geeri ah, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee wasaarada caafimaadka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaliilay xukuumadda federaalka ah qaabka ay ula tacaaleyso cudurka dilaaga ah, waxayna sheegeen in ay jiraan dad badan oo u geeriyooday fayruska oo aan laga war hayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM