Khayre iyo madaxa hay'adda WHO oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa shaaciyey in ay khadka telefoonka kuwada hadleen isaga iyo madaxa Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa dhankiisa wali soo hadal-qaadin shaacinta wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa bogga Twitter-ka ayaa daboolka ka qaadey in ay kawada hadleen arrimo ku saabsan safmarka Coronavirus.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, Khayre ayaa Ghebreyesus wuxuu kaga mahadceliyey balanqaadkiisa ah in uu garab taagan yahay Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaare Khayre ayaa tibaaxay in uu Ghebreyesus uga warbixiyey dedaalada Soomaaliya ee ka hortagga caabuqa sidda fudud u faafa iyo sidda ay u soo gaartay taageerada WHO.

Soomaaliya ayaa xaqiijisay 671 kiis oo ah Coronavirus, 31 geeri ah iyo 34 geeri ah, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee wasaarada caafimaadka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaliilay xukuumadda federaalka ah qaabka ay ula tacaaleyso cudurka dilaaga ah, waxayna sheegeen in ay jiraan dad badan oo u geeriyooday fayruska oo aan laga war hayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM