Khayre oo amray in min hal milyan la siiyo maamulada iyo gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Khayre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Xaalada cudurkaas ee gudaha dalka ayaa sii xumaaneysa iyaddoo kiisaska laga xaqiijiyey guud ahaan waddanka ay marayaan 60, oo badankooda laga soo sheegay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale, Muqdisho waxaa laga soo sheegay geerida laba ruux oo mid kamid ah uu yahay wasiir ka tirsanaa HirShabelle, kaasoo dhimashadiisa ay su'aallo badan ka dhasheen.

Shaacinta lacagtaan oo lagu sameeyay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Khayre ayaa nan lagu soo hadal-qaadin Somaliland oo gooni u goosad ah, balse horey u codsatay in lasoo gaarsiiyo qoondadeeda ku aadan deeqaha caalamka ee xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM