Khayre oo go'aano iyo baaq cusub kasoo saarey Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan Covid19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo.

Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo.

Khayre ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, wasaaradda maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaan ee COVID19

Wasiirka koowaad koowaad ee xukuumada federaalka ah waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay waa ka hortagga, Guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu ku celiyey in illaa amar dambe xiranaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada quraanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood.

Dhanka kale, wuxuu tacsi u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde oo cudurkan ugu geeriyooday dalka ingiriiska. Waxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale.

Mr Khayre ayaa wuxuu caddeeyay inay muhiim tahay in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanaayo Geeska Afrika

"Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa in cudurkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurkan sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Khayre.

Wuxuu ku daray: "Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaqayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cudurkan saf-marka ah. Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan ummaddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan. Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan”, ayuu sidoo kale Codsaday Ra’iisul Wasaauhu.

"Si looga hor tago cudurkan kuma filno dawladda federaalka kaligeed, kuma filna, madaxda dawlad-goboleedyada kaligood. Waxaannu u baahannahay garabkiinna, dhegihiinna, qalbigiinna, xooggiinna, iyo waa tan ugu muhiimsane dareenkiinna oo buuxa”, ayuu raaciyay.

Dowladdu ayuu xusay in ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka iyo ganacsatada, deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona.

MUUQAALKA KHAYRE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay Qadar iyo Shiinaha

Shirka waxaa guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    31-10-2024

  • 10:05AM

Jubaland oo diidey muddo kororsi kuna dhawaaqdey doorasho dadban

Maamulka Xasan Sheekh ayay ku eedeysay inuu doonayo firaaq dastuuri ah iyo kooxda AS oo aan laga adkaan.

  • Soomaliya

    31-10-2024

  • 05:06AM