Khayre oo ka digay mudo kordhin, kuna dhawaaqay go'aan cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

—DHAMMAAD—

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM