Khayre oo la kulmay ganacsatada Soomaaliya xili uu jiro walaac

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaae Xasan Cali Khayre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19.

Iyaddoo uu jiro walaac ka imaanaya bulshada, Kulanka ayaa sidoo kale looga arrin-saday inaysan  wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan.

Sidda lamid ah, waxaa leysla soo qaadey in dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sidda ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo cudurka.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay hal kiis oo Coronavirus ah, kaasoo laga helay muwaadin ka yimid Shiinaha oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo todoba kale oo ka kala yimid China iyo Talyaaniga, kuwaasoo looga shakisan yahay in ay la nool yihiin caabuqaas faafa.

Sidda ay shaacisay Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, fayruska dilaaga ah ayaa illaa iyo haatan wuxuu dunida ka galaaftey tobban kun oo ruux, iyaddoo la diiwaan-geliyey kiisas gaaraya in ka badan 130-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM