Khayre oo soo xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey'ado caalami ah iyo in ka badan 50 dowladood.

Shirka oo dhammaadkiisii warmurtiyeed laga soo saaray ayaa intiisa badan looga hadlaya tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo caddaaladda, horumarka la gaaray iyo ka wada shaqeynta horumarinta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyada oo taageerada beesha caalamka lagu saleynayo tubaha qaranka.

Khayre ayaa shirka ka sheegay in wadashaqeynta madaxda dalka ay horseedday in horumar laga gaaro isbedelka, xasiloonida, dowladnimada iyo ajandaha dib-u-qaabeynta ee sida wadajirka ah ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee caalamka, kuwaas ee soo celisay rejada Ummadda Soomaaliyeeed.

Dhammaan mas'uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay kulanka ayaa isku raacay in horumar ballaaran lagu tillaabsaday tan iyo markii la qabtay shirkii shirkaan ka horreeyay ee sannadkii 2018, waxaana la isku raacay in wadajir loo shaqeeyo si horumarka loo joogteeyo.

Saaxiibada caalamku oo qiray guulaha Soomaaliaya ay ku tilaabsatay, ayaa hoggaanka dalka ku ammaanay horumarka ay ka sameeyeen ajandayaasha dib-u-habeynta ee ay kamid yihiin hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda, dakhliga, la tashiyada qorshaha cusub ee qaranka, dib-u-habeynta amniga, guulaha laga gaaray howl-galladda argagaxisada ka dhanka ah iyo sare u qaadidda adeegyada bulshada iyo dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu caddeeyay in Dhallinyada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan ee bulshadana ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka, haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabana ay diyaar u yihiin ka qayb galka siyaasadda, taas oo meesha ka saareysa dhaqankii hore ee ahaa in siyaasadda dalka ay kooxa yari ay hoggaamiyaan.

Hadal-jeedinta Khayre

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM