Khayre: Waa ayaan-daro in Xasan Sheekh saxiixo tarxiilka dhalin Soomaaliyeed

Image
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceeyay qorshaha lagu soo celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee Jarmalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u dhaleeceeyay qorshaha dowladda federaalka ay Jarmalka uga soo tarxiileyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHAYRE

Waxaa nasiibdarro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka. Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna.

Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda.

In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.

Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM