Khayre: Waxaan ka badbaadney isku day dil oo qorsheysan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in isaga iyo qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta ay maanta oo Jimce ah Muqdisho kaga badbaadeen isku-day la doonayey in lagu khaarijiyo.

Khayre oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo hagaagay markii maanta ay ciidamadda dowladda rasaaseeyeen xilli ay hogaaminayeen banaanbax ka dhan ah dowlada waqtiga ka dhacay.

"Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: "Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo".

"Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray natiijada aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta, weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?".

Khayre oo kasoo muuqdey shir jaraa'id kadib xabadaha lagu furay ayaa wuxuu uga digay Beesha Caalamka in ay indhaha ka fariisadaan xaaladda waddanka ku jiro "hadii aad sii waddaan waxaad qeyb ka noqon doontaan dhibaatadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM