Khayre: Xasan Sheekh wuxuu Soomaaliya ka lumiyay Fursad Dahabi ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Xili mudo-xileedka dowladda ka haray 11 bilood, waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtay Mucaaradka, oo ay kamid yihiin Madax hore, kuwaasoo billaabay shirar ay ku doonayaan inay ku cadaadiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qabto doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah.
Ra'iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo uu burburiyay hanaankii is-garadka iyo nabadda ee lagu gaarey shirkii Carta, sidoo kalena uu dhaawacay midnimadii dalka oo hadda sii kala qeybsamayo.
"Madaxweynaha waxa uu burburiyay heshiiskii 25 sano kahor lagu gaarey Shirkii Carta, waxaana nasiib darro ah in madaxweynaha umada ka lumiyay fursad dahabi ah," ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Sida mucaaradka ay ku eedeeyeen, Madaxweynaha mudadii uu xafiiska joogay wuxuu ku fashilmay inuu ka shaqeeyo dhameystirka dastuurka heshiis lagu yahay, doorasho la isla ogol yahay oo heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed oo isku mar ka dhacda dalka iyo awood-qeybsi wadar ogol ah.
Waxay siyaasiyiinta qaar sheegeen in Xasan Sheekh la yimid siyaasad ku dhisan saaxiibintinimo, qaraabo-kiil, qoys iyo nin-jeclaysi, oo usoo dheertahay inuu awooda oo dhan isku soo koobay, oo xitaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda noqdeen kuwa maqaar-saar ah, oo go'aano gaari karin.
Soomaaliya waxay ku jirtaa hadda xaalad amni, oo khatarta Al-Shabaab sii kordhayso, siyaasadda oo cakiran, nimaad doorasho oo heshiis lagu yahay oo aanay jirin iyo taageeradii beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka oo yaraatay.
Sidoo kale, howlgalka AUSSOM oo bishii January 2025 lagu bedelay ATMIS ayaa u shaqeyn la' dhaqaale la'aan, kadib markii Mareykanka uu sheegay in uusan bixinayn wax kharash ah, loona baahan yahay Midowga Afrika inuu daboolo baahiyaha howlgalka iyo mushahaarka Ciidanka oo ka badan 11,000 askari.
GAROWE ONLINE