Khilaaf halis ku ah ololaha DF kula tacaaleyso Covid-19 oo soo if-baxay
MUQDISHO, Soomaaliya – Muran ayaa muuqaneysa in uu ka taagan yahay goob la qorsheeyay in lagu karan-tiilo askar lagu soo tababaray dalalka Sacuudiga iyo Jabuuti oo kusoo fool leh caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Goobta waa qeyb kamid ah garoonka kubada cagta Muqdisho, oo ay dayactir ay ku socoto kadib markii laga saarey ciidanka AMISOM. Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha waxay kasoo horjeesatay qorshahaas.
Maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta Wakaalada Dhismaha Soomaaliyeed ayaa Jimcadii tegay meesha, iyaga oo ka bilaabay howla nadaafad ah iyo diyaarinta qalabka muhiimka ah.
Xubno ka tirsan guddiga ka hortagga faafitaanka fayruska safmareenka ah oo uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre kaasoo la sheegay in uu amarka bixiyey ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madasha.
Gudaha Soomaaliya waxaa la xaqiijiyey todoba kiis oo Covid-19 ah. Hal ruux oo uu soo ritay cudurka ayaa ka kacay. Ma jiro qof illaa iyo haatan u dhintay, sidda ay shaacisay Wasaarada Caafimaadka.
Dadka laga helay waxaa ku jira sarkaal ka tirsan milatariga kaas oo tababar kaga soo laabtey Talyaaniga laguna hakiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, markii la baareyna lagu arkay astaamaha xanunka.
Jabuuti iyo Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah dalalka caalamka ee uu saameeyay fayruska Corona, waxaana mid walba oo wadamadaas kamid ah ka jira kiisas ka badan boqolaal, kuwaas oo isbitaalada jiifa.
"Xadgudub"
Khadiija Maxamed Diiriye, wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ayaa baraha bulshadda waxay ku muujisay diidmo "aad u xoogan" oo qorshahaas ku aadan.
"Guddiga heerka sare ee ka hortagga Corona [Covid-19 aad iyo aad bey idinka qaldan tahay ee dib isugu laabta, garoonka ciyaaraha Muqdisana ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka dowladda, waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo," ayay Khadiija kusoo qortay Facebook.
Fariinteeda ayay ku sheegtay in aanan lala socod-siin talaabadaas, isla markaana ay kaliya baraha bulshadda ka aragtay howlaha socda.
"Tan labaad, Stadium Muqdisho boqolaal ciidanka booliska Soomaaliyeed ah ayaa waardiyeeya, sidoo kale boqolaal kale oo dhalinyaro ah ayaa ka wada howlo dayactir iyoo dib-u-dhis ah, sidoo kale ajaaniib aan u keenay howlaha garoonka oo ku xaadiriya maalin kasta mana noqon karto goob karantiil horayna nalooma waydiin," ayay ku dartay Khadiija oo ka tirsan baarlamaanka.
Sidda uu ka dhawaajiyey Bashiir Maxamed Jaamac, maareeyaha guud ee Wakaalada Dhismaha Soomaaliyeed, tirada askarta ayaa gaareysa 500; kuwaas oo laba boqol oo kamid ah ay Jabuuti "ku xiran yihiin".
Xukuumadda Federaalka ah ayaa horey u shaacisay in Isbitaalka Mariini loo asteeyay goobta karan-tiilka, halkaas oo bukaano ay ku jiraan. Ma cadda baahida keentay in loo baahdo qeyb kamid ah Stadium Muqdisho.
Khadiija Diiriye ayaa horey ugu lug-yeelatay murano ay kamid yahay in ay si furan u diidey in laga baaro xanuunka Covid—19 markii ay kasoo laabatay safar Turkiga ah, wallow ay iska difaacyada cambaareyntaas.
Khilaafkan soo if-baxay ayaa wuxuu halis ku noqon karaa ololaha ay Dowlada Federaalka Soomaaliya kula tacaaleyso caabuqa safmareenka ah maadaama hadii aan xal deg-deg ah laga gaarin ay askarta faafin karaan cudurkaas.
GAROWE ONLINE