Khilaaf Siyaasadeed oo ka Dhex Qarxay Xafiisyada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

Muqdisho (GO)- Sida ay ogaatay Garowe Online, waxaa xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya hareeyey khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya qorshe xil ka qaadis ah oo lala damacsanaa Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe).

Warar la helayo ayaa sheegaya in kooxo siyaasadeed oo uu horkacayo Taliyihii hore ee Nabad Sugidda, Mahad Maxamed Salaad, ay ka dambeeyeen dadaallo lagu doonayey in xilka looga tuuro Sanbalooshe. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo la ah saaxiib dhow Mahad Salaad, ayaa la rumeysan yahay inuu qayb ka ahaa qorshahaan.

Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu beeniyey jiritaanka qorshahaasi, kaddib kulan albaabadu u xiran yihiin oo si adag loogu falanqeeyey arrintan uu la yeeshay Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya.

Sanbalooshe, oo bishii Abriil 2024 loo magacaabay Taliyaha NISA, ayaa intii uu xilka hayey lagu tilmaamay inuu Hay’adda u horseeday xasillooni dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, gaar ahaan deegaanada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Saraakiil hore oo ka tirsanaa Hay’adda ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Sanbalooshe uu dib-u-habeyn ballaaran ku sameeyey qaab-dhismeedka NISA,

“Wuxuu isbeddel muuqda ku sameeyey nidaamka hay’adda, wuxuuna ka fogeeyey siyaasadda iyo faragelinta hay’adaha kale ee ammaanka,” ayuu yiri sarkaal hore oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Dhinaca kale, Mahad Salaad, oo xilka laga qaaday horraantii 2024, ayaa lagu eedeeyey inuu gacan saar la lahaa hay’ado sirdoon oo ka socda dalal shisheeye. Arrintaas ayaa keentay in qaar ka mid ah waddamada ka taageera Dowladda Federaalka dhismaha hay’adaha amniga ay cadaadis ku saaraan Villa Somalia in  xilka looga qaado Mahad Salaad.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa markii uu la kulmay Sanabalooshe beeniyey inuu qayb ka ahaa qorshaha fashilmay ee la doonayey in xilka looga qaado madaxa Hay'adda NISA.

Mahad Salaad, intii uu hoggaaminayey NISA, waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu si liidata u maamulay howlgaladii militari ee lagu doonayey in Al-Shabaab looga saaro deegaannada maamulka Hirshabeelle iyo Galmudug.

Khilaafkaan siyaasadeed ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wajahayso weeraro cusub oo Al-Shabaab ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaano kale oo ku yaal Koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM