Khilaafka Dowladda iyo mucaaradka S/land oo cirka isku shareeray

Image

May 25, 2015 (GO)- Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo qaadi doonto mas'uuliyadda, hadii uu burburo wada hadalka saddex geesoodka ah ee u socda dowladda iyo mucaaradka.

Hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee UCID iyo Wadani oo maanta si wadajir ah shir-jaraaid ugu qabtey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dowladdu ka caga jiideyso wadahadalka, arrintaasina horseedi doonto in khilaafka hadda jiraa sii xoogeysto.

 

Mucaaradka ayaa ka caroodey ka bixitaaka uu shirka ka baxay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdirxmaan Zaylici oo isagu safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dowladda xasaanadda lagala laaban doono haddii inta ka horreysa June 26, 2015 khilaafka jira xal deg deg ah looga gaari waayo.

"waxaanu sheegaynaa annagu haddii ay gaadho 26-ka June iyada oo aan xal laysla gaadhin dawladaas ma ictiraafayno, guurtidu wixii ay kordhisay ma ictiraafayno, waxaana iman doonta  sidii aanu ku wada tashanay barigii hore aniga iyo Madaxweynuhu inaanu qaban doono shir qaran oo aanu samayn doono dawlad umadu ogoshahay  oo doorasho inoo qabata" Waraabe ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga Wadni ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa sheegay in mucaaradku tanaasul badan sameeyeen iyagoo eegaya danta dadka iyo dalka Somaliland, haseyeeshee dowalddu u dhaqmeyso si mas'uuliyad darro ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Wadahadalka oo laysku mari la'yahay!

Wadahadallo soo bilowdey todbaadkii hore oo u  dhexeeya dowladda iyo labada xisbi iyo mucaaradka ayaan ilaa iyo hadda wax natiijo ah oo la taaban karo laga kaarin.

Labada dhinac ayaa isku mari la'a arrinta muranka ugu weyn dhalisey ee ah muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.

Mucaaradka ayaa dalbanaya in gebi ahaanba la laalo go'aanka Golaha Guurtida oo sida ay ku doodayaan aan ahayn mid sharci ah, halka dowladuna ku gacan sayrtey arintaas kuna adkeysaneyso in go'aanka Golaha Guurtidu yahay lama taabtaan.

May 11, 2015 ayey ahayd markii Golaha Guurtidu xukuumadda Siilaanyo waqtiga u kordhiyeen iyagoo ugu daray muddo sanad iyo toban bilood ah. 

Go'aanka Golaha Guurtida waxaa kasoo horjeestey xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo Ucid, waxayna ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin. 

Muddaaharaadyo rabshad watey oo ka dhashay arrintan ayaa ka dhacay magaalooyinka waweyn ee Somaliland, waxaana xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah mas'uuliyiinta xisbiga Wadani. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 04:18AM