Khilaafka Khaliijka oo DF "illowsiiyay " in ay ka taliso Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ay sheegatay dhexdhexaadnimo wiiqantay markii ay qaadatay go'aano u adeegaya Dooxa, dowladda federaalka ayaa markii uu qarxay khilaafka Khaliijjka "ilowday in ay ka taliso waddanka Soomaaliya".

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii warfaafinta xukuumaddii Khayre kaasoo is-casilay 1-dii Maaj, 2019, ayaa ku qeexay siyaasada arrimaha dibada dowlada Farmaajo mid laga dheehan karo "aqoon iyo faham la'aan".

Geelle, murashax madaxweyne oo horey u soo noqdey danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhaliilay dowladda in ay qaadatay go'aanka ay kula safatay Qadar ayna dhinac martay danaha dalka.

Siyaasiga oo tibaaxay in Soomaaliya ay lumisay xulafo soo jireen markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saarey "dayaacada" ay Villa Soomaaliya ka faafisay dalalka Khaliijka si ay Qadar ula safato.

"Wadamada kale ee Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qadar hal qaacido waa in ay lahaato, ma rabno in ay is-khilaafaan waa walaalaheyn in ay heshiis ahaadaan baa noo wanaagsan laakiin haddana annaga wadamadaa mid kamid ah ma nihin Soomaaliyaa nala yiraahda. Khilaafka Khaliijka markii uu dhacay dowladeena waxay xasuusan wayday in waxay u taliso in ay Soomaaliya yihiin oo aaney ahayn Qadar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo dal kale ahayn," ayuu u sheegay Horufadhi Media.

Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha nabad-sugida iyo sirdoonka, ayuu tibaaxay in uu gaaro go'aanada waaweyn isla markaana xukuumadu tahay haye-raac.

Diblumaasigan siyaasada ku jira in ka badan 25-sano ayaa ku daray: "Aduunka wadamada qaarkood 160 dowladood ayaa safaarado ku leh heshiis mawada aha dowladaha kala gedisan ama is-khilaafsan ayaa waxaa la rabaa in aad xiriir lawada yeelan kartid oo danahaaga kasoo saaran kartid laakiin laba haddey is-khilaafto mid kusoo haro laba kale haddey is-khilaafto mid kale kusoo haro aduunyada dowladaha heshiiska ah in ay kooban yihiin baa laga yaabaa markii laba is-khilaafto mid miyaa soo reebaneysaa? Maya; iyagoo is-khilaafsan ayaa waxaa la rabaa in dantaada aad ka dhex-heli kartid diblumaasiyaddu waa sidaas, farshaxanimada siyaasadeed waa sidaas waaya aragnimada iyo khibrada waxay keenan waa sidaas, talada oo la balaariyo natiijada ka dhalata waa midaas".

Kahor inta uusan xafiiska imaan Farmaajo, Soomaaliya waxaa xiriir fiican uu kala dhaxeeyay dalal ay kamid yihiin Kenya, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar’ dhamaantooda haatan cilaaqaad wanaagsan lama lahan Muqdisho.

"Waaya-aragnimada, aqoonta oo kugu yar iyo talada oo la kooban natiijada ka dhalata waxa waye; Armenia iyo Azerbaijan haddey coloobaan haddaadan safaarado ku lahayn safiiradooda mid in aad racdeysid mid aad reebatid siyaasaddu sidaa ma ahan," ayuu hoosta ka xariiqay murashax Daahir Geelle.

Qadar ayaa ahayd maalgeliyaha ugu badan ee guushii Farmaajo ee doorashadii 2017, halka Fahad Yaasiin uu dulaal ka ahaa mashruucaas. Kalkan, Turkiga wuxuu kusoo biiray tartanka taasoo ka dhigan in coddeynta 2020-21 ay adag tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuldareystay inuu mideeyo madaxda Federaalka

Balse maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa astaan u ah kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii qotomeysa.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 11:33AM

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM