Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula yeeshay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga amniga iyo dardar gelinta howlgalka wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS.

Kulanka ayaa yimid xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay wadaan hawlgallo ballaaran oo lagu xoreynayo deegaanada ay kooxaha xagjirka ah ka joogaan gudaha dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in wada-hadalladu diiradda saareen kordhinta isku-dubaridka howlgalada amni ee ka socda dalka, iyada oo loo marayo qaab-dhismeedka cusub ee AUSSOM (Hawlgallada Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya), si kor loogu qaado awoodda dowladda Soomaaliya ee hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Wadahadalladu waxay xoogga saareen dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo khataraha argagixisada iyo xoojinta xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka Madaxtooyada.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, ayaa la kulmay General Langley iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, iyadoo saraakiil sare oo ka tirsan AFRICOM ay kulanka goobjoog ka ahaayeen.

Kulankaasi oo lagu falanqeeyay howlgalada socda, ayaa sidoo kale lagu gorfeynayay sidii loo kordhin lahaa taageerada Mareykanka ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin duqeymaha cirka, tababarada, qalabeynta, iyo is-weydaarsiga sirdoonka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah. “Mareykanku wuxuu ahaa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay dib u xoreynta dhulka iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM