Somaliland: Khilaafka xisbiga Kulmiye oo sii balaaranaya

Image

08 November, 2015(GO)-Saddex murashax ee jagada madaxweynaha ugu tartamayay xisbiga talada haya ee Kulmiye ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay qaadacayaan shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee Talaadada ka furmaya Hargeysa.

Shirkaas oo lagu wado in uu xisbiga Kulmiye ku dooran doono musharaxa rasmi ah ee xisbiga ugu tartamaya doorashada madaxtinimada.

Maxamed Biixi Yoonis , Cabdilcasiis Maxamed samaale iyo Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa shir jaraa'id oo ay wada jir u qabteen waxay ku sheegeen in shirka kulmiye u afduubanyahay murashax kali ah oo aan tartan xalaal ahi ka dhex jirin shirka xisbiga la qabanayo ee talaadada.

Madaxweyne Axmed Mohamed Maxamud Silaano ayaa hore u magacaabay gudi dhexdhexaad ah oo baara muran la xiriira liiska xubnaha golaha dhexe oo ah kan dooranaya musharaxa xibiga ee rasmiga.

Gudigaa ayaa shalay waxay soo saareen in aysan wax khalad ah ku arag liiska xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye

Xigasho: BBC

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM