Khilaafkii labada Aqal ee Baarlamanka oo la xaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa kaalin ka qaatey xalinta khilaafkii u dhaxeeyay labada aqalka ee Baarlamanka Soomaaliya kadib kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyadda.

Madaxweyne Farmaajo, madaxda Maamulada iyo gudoonka labada aqal oo ay wehliyaan ku xigeenadooda ayaa ku kulmay Villa Soomaaliya; warar horudhac ah waxay xusayaan in ay isla qaateen in baarlamaanka uu si wadajir ah u meelmariyo heshiiska doorashooyinka 2020-21.

Khilaaf ayaa keenay in meesha laga saaro kaalintii Aqalka Sare ee ka doodista iyo ansixinta hindise sharciyeedyada Xukuumadda soo gudbiso, iyadoo la baal-mariyay sharciyo badan oo kasoo ka yimid Gollaha Shacabka.

Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay dhowr jeer gudoonka Gollaha Shacabka ku-tumasho dastuur iyo inuu wax ka bedel ku sameeyay qodobo kamid ah sharciga doorashooyinka ee dhawaan la ansixiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isagoo ka faa'idaysana dhex-dhexaadinta Madaxda dowlad Goboleedyada soo afjaray khilaafka, waxaana lagu soo beegay tallaabadan xili xusul-duub loogu jiro meel-marinta heshiiska doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM