Khilaafkii labada Aqal ee Baarlamanka oo la xaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa kaalin ka qaatey xalinta khilaafkii u dhaxeeyay labada aqalka ee Baarlamanka Soomaaliya kadib kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyadda.

Madaxweyne Farmaajo, madaxda Maamulada iyo gudoonka labada aqal oo ay wehliyaan ku xigeenadooda ayaa ku kulmay Villa Soomaaliya; warar horudhac ah waxay xusayaan in ay isla qaateen in baarlamaanka uu si wadajir ah u meelmariyo heshiiska doorashooyinka 2020-21.

Khilaaf ayaa keenay in meesha laga saaro kaalintii Aqalka Sare ee ka doodista iyo ansixinta hindise sharciyeedyada Xukuumadda soo gudbiso, iyadoo la baal-mariyay sharciyo badan oo kasoo ka yimid Gollaha Shacabka.

Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay dhowr jeer gudoonka Gollaha Shacabka ku-tumasho dastuur iyo inuu wax ka bedel ku sameeyay qodobo kamid ah sharciga doorashooyinka ee dhawaan la ansixiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isagoo ka faa'idaysana dhex-dhexaadinta Madaxda dowlad Goboleedyada soo afjaray khilaafka, waxaana lagu soo beegay tallaabadan xili xusul-duub loogu jiro meel-marinta heshiiska doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM