Khilaafkii siyaasdeed ee Somaliland oo la xal laga gaarey

Image

Sabti, November 22, 2014 [GO]- Kadib markii asbuucii la soo dhaafey khilaaf hareeyey golaha Barlamanka Somaliland kuwaasoo soo gudbiyey mooshin xil-ka qaadis la damacsanaa in lagu sameeyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in is-afgaranwagaas heshiis laga gaarey. 

Khilaafkaan oo abuurey rabshado dad ku dhinteen oo ka dhacey magaalada Burco halka Madaxweyne Silaanyo ka hadley khilaafkaan ayaa waxaa xalinta arrintaan loo gudbiyey Golaha Guurtida kuwaasoo guddi ay u saareen la kulmeen dhinacyada is-haya.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa gabi ahaanba laaley mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyaha Barlamanka Cabdiraxman Maxamad Cabdulahi Cirro.

Qoraal kasoo baxey Gudigii Golaha Guurtida u saareen xalinta khilafaadkaan ayaa u qornaaa sidatan:  

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM