Dhageysiga kiiska eedeysane 10 qarax ka fuliyey Muqdisho oo lasoo xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay soo gabagabeysay dhageysiga kiiska eedeysane loo haysto in uu tobban bam-gacmeed ku tuuray baro ku yaala Muqdisho.

Isxaaq Keerow Aadan Cali oo intii baaritaanka lagu wadday sheegtay magacyo uu kamid yahay Cabdiraxmaan si uu u marin-habaabiyo hay'addaha amniga ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah dilka sarkaal ciidan.

Xilli sarkaalka loo haysto dilkiisa lagu magacaabo Laba xidigle Faarax Cabdulle Cariif, waxaa wehlisa in uu ururka Al-Shabaab kamid yahay.

Bishii May ee sanadkan 2020 ayaa laga soo qabtay suuq Bacaad, laanta Horseed ee degmada Yaqshiid markii uu bam ku tuuray bar ciidan.

Marqaatiyeyaal askar ah ayaa u sheegay maxkamadda in ay arkayeen eedeysanaha markii uu bambada tuurayay isla markaana ay u toogan waayeen "maadaama dad shacab ah uu gabaad ka dhigtay".

Xeer-ilaalinta oo xustay in uu AlShabaab kamid noqdey lix sano hor kana qeyb-qaatay dagaalo uuna kamid ahaa jabhadaha guur-guur ayaa codsatay in lagu xukumo dil toogasho "maadaama halistiisa ay badan tahay".

Qareenadiisa oo cuskaday in ay dhici karto in qiraalka uu sameeyay "lagu qasbay ama loo hanjabay" ayaa soo jeediyey in lasii daayo.

Garsooreyaasha maxkamadda ayaa tilmaamay in ay go'aan qoraal ah kasoo saari doonan kiiska Isxaaq oo saddex jeer lasoo taagay maxkamad.

Bam-gacmeedka ayaa kamid ah xeeladaha dagaal ee kooxaha argagixisada ku beegsadana fariisimaha ciidanka iyo guriyaha ay degan yihiin saraakiisha iyo mas'uuliyiinta, waxaana ka dhashay qarax waxyeelo sababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM