Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay 2,300, geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 45 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan-geliyey; Benadir: 25, Somaliland: 17, Puntland: 2 iyo Koonfur Galbeed oo hal kiis laga helay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa tilmaamay in inta badan dadkaan ay yihiin kuwa lagu daartay oo aanan safar dibadda ah gelin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in bukaanadda cusub ee gobolka Banaadir ay ku jiraan qaar dhowaan kasoo laabtay dibadda.

Warbixinta ayaa tibaaxeysa in shaqsiyaadka cusub ee uu soo ritay xanuunka faafa ay 35 kamid ah yihiin Lab, halka tobbanka kale ay yihiin Dhedig ama haween, sidda loo garan og-yahay.

Tiradda guud ee kiisasha Covid19 ee Soomaaliya ayaa gaarey 2,334, taas oo la macno ah in ay kusii dhow-dahay 2,400 ruux.

Dhanka kale, waxaa afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay u dhintay hal ruux, halka tobban kale ay ka caafimaadeen cudurka.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta bogsashadda ay noqoneyso 441, halka geeriduna ay sii cagacageyneyso 83 marxuum.

Sikastaba ha ahaatee, kororka xaaladaha fayruska dilaaga ah ee gudaha dalka Soomaaliya waa si maalinleh ah loosoo warinayo, taas oo la macno ah in halistu wali taagan tahay, waxaase hooseeya taxadarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM