Kiisaska Covid19 ee Soomaaliya oo dhaafay kun, geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 57 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Tani ayaa waxay wadarta guud ee xaaladaha cudurkaan halista ah ee waddanka ay ka dhigeysaa 1,054 taasoo ah sarre u kac weyn.

Bukaanadda, sidda ku cad warbixinta, ayaa kala jooga gobolada kala duwan ee waddanka iyo magaala madaxda dowlad goboleedyadda.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, oo wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho, ayaa sidoo kale shaacisay in ay dhinteen saddex bukaan

Sidda ay ka dhawaajisay wasiir Fowziya, waxaa soo caafimaaday bukaano tiradoodu ay gaareyso sideed, guud ahaan waddanka.

"Laba kamid ah dadka dhintay waxay joogaan Somaliland, midna Puntland, Ilaahey ha u naxariisto," ayay Fowziya raacisay hadalkeeda.

Wadarta shaqsiyaadka uu galaaftay xanuunka ayaa sii mareysa 51, halka muwaadiniinta ka bogsaday ay sii cagacageyneyso118.

Ololaha ka hortagga Coronavirus ee Soomaaliya waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan "mashruuc ku raadin" iyo Wasaaradda Caafimaadka oo "laga afduubay" shaqadeeda ahayd in ay hogaamiso dedaaladda.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa gacanta ku haya dhamaan dedaaladda xakameynta colkaan qarsoon ee dadka sidda safmarka ah u laaya, taas oo ay su'aal geliyeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM