Kiisaska Covid19 ee Soomaaliya oo dhaafay kun, geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 57 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Tani ayaa waxay wadarta guud ee xaaladaha cudurkaan halista ah ee waddanka ay ka dhigeysaa 1,054 taasoo ah sarre u kac weyn.

Bukaanadda, sidda ku cad warbixinta, ayaa kala jooga gobolada kala duwan ee waddanka iyo magaala madaxda dowlad goboleedyadda.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, oo wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho, ayaa sidoo kale shaacisay in ay dhinteen saddex bukaan

Sidda ay ka dhawaajisay wasiir Fowziya, waxaa soo caafimaaday bukaano tiradoodu ay gaareyso sideed, guud ahaan waddanka.

"Laba kamid ah dadka dhintay waxay joogaan Somaliland, midna Puntland, Ilaahey ha u naxariisto," ayay Fowziya raacisay hadalkeeda.

Wadarta shaqsiyaadka uu galaaftay xanuunka ayaa sii mareysa 51, halka muwaadiniinta ka bogsaday ay sii cagacageyneyso118.

Ololaha ka hortagga Coronavirus ee Soomaaliya waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan "mashruuc ku raadin" iyo Wasaaradda Caafimaadka oo "laga afduubay" shaqadeeda ahayd in ay hogaamiso dedaaladda.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa gacanta ku haya dhamaan dedaaladda xakameynta colkaan qarsoon ee dadka sidda safmarka ah u laaya, taas oo ay su'aal geliyeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM