Kiisaska iyo dhimashada Covid-19 ee Soomaaliya oo sarre u kacday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ay diiwaan-gelisay 64 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in 4 qofood ay xanuunka ka caafimaadey iyo 1 bukaan oo u geeriyooday, afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay.

Marwo Fowziya ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

Tani ayaa la macno ah in 1,421 xaaladood oo COVID-19 ah guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiiradda oo wariyeyaasha kula hadashay magaaladda Muqdisho ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

"Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada," ayuu yiri xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Soomaaliya ayaa haatan si buuxda hogaanka ugu qabatay wadamada Geeska Afrika marka ay timaado xaaladaha caabuqan safmareenka ah, waxayna booskaas kala baxday Jabuuti oo ku jirtay dhowaanahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM