Kiisaska safmarka Coronavirus ee Soomaaliya oo kor-u-dhaafay 1,700

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 22 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Balse ma aysan soo bandhigin tiradda dadka laga baarey, taas oo hadii la heli lahaa sahli lahayd in la qiimeeyo heerka uu marayo.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, xaaladaha cusub waxaa laga helay Somaliland - 14, gobolka Banaadir - 5, Jubbaland - 1, Koonfur Galbeed - 1 iyo degaanada HirShabelle oo ah hal kiis.

Bukaanada cusub oo da'dooda ay u dhaxeyso 20 illaa iyo 60-sano jir waxay 11 kamid ah yihiin Lab ama Rag, halka 11-ka kelana ay yihiin Dhedig ama Haween, sidda dadka ugu kala yaqaanan.

Warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda kasoo baxday 26-ka May, 2020 oo maanta ah waxay xaqiijisay in 18 bukaan cusub ay bogsadeen isla markaana hal muwaadin uu cudurka galaaftay.

Inkasta oo wasaaraddu soo hadal-qaadin, saacadihii lasoo dhaafay waxaa lagu waramay in dhowr qof ay xanuunka ugu dhinteen Cadaado.

Sikastaba, tirada guud ee kiisaska caabuqa ee gudaha dalka ayaa maraya 1,711, bukaanadda ka caafimaadey waxay gaarayaan 253, halka wadarta shaqsiyaadka u geeriyooday ay cagacageynayaan 67.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM