Kismaayo: Al-shabaab oo duqeysey saldhigga ciidamada Kenya

Image

August 11, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka madaafiic ku duqeysey saldhig ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ku leeyihiin nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Duqeynta oo socotey qadar daqiiqado ah waxaa ku xigey dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada AMISOM iyo mileeshiyaad ka tisan Al-shabaab.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay labadan weeran, mana jiro wax war ah oo arrintaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka maamulka Jubaland iyo taliska ciidamada AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM