Kismaayo: Askar ku eedeysan dil oo xukun lagu riday

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Maxkamadda Ciidamadda Jubaland ayaa Arbacadda maanta ah waxay xukun ku ridday afar eedeysane kuwaasoo la tilmaamay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka dhulka maamul goboleedkaas.

Afar kamid ah eedeysaneyaasha oo aan la magacaabin ayaa loo maxkamadeeyay jir dil la wariyey in ay u geysteen Nuur Maxamed Cabdulle kaasoo lagu waramay in kalkii dambe uu u geeriyooday nabaradda xadgudubkaas.

Xeer-beegtadda oo xustey in ay heshay "caddeymo ku filan" ayaa xukmisay in afarta eedeysane ay bixiyaan diyo boqol Hallaad oo Geela taas oo lacag ahaan u dhiganta $50,000 [konton kun oo doolar-ka Mareykanka].

"Magta marxuumka waxaa $30,000 kamid ah bixinaya ehelada Ciidanka, halka $20,000 ay bixinayso hay’adda dhulka Jubbaland," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda kaasoo uu arkay bogga GO.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa isla maanta waxay dhageysatay gal-dacwadeed ka dhan ah laba eedeysane kale kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay in ay kala yihiin; Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Xassan Xumeey Axmed.

Wayrax ayaa loo haystaa dilka Xaliimo Rooble oo 50-jir ahayd. Eedeysanahan wuxuu xusay in xabadda ka fakatay, isagoo dalbaday naxariis.

Xasan oo ah taliye ku xigeen hore ayaa ku eedeysan dilka askari ka tirsanaa ciidamadiisa. Askarigaas wuxuu u geeriyooday "dil ciqaabeed".

Kabtan Nuur Xassan Axmed, xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Jubbaland iyo Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed, ayaa xusay in xukunka dib laga shaacinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM