Kismaayo: Axmed Madoobe oo cod aqlabiyad leh ku guuleystey

Image

August 15, 2015 (GO)- Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa mar kale loo doortey Madaxweynaha Jubaland, kadib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystey doorashadii madaxtinimada ee maanta ka dhacday xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa lagu kala baxay. Guddoomiyaha baarlammaanka ayaa natiijada ku dhawaaqay, waxayna murashaxiintu codadka u kala heleen sidan.

  1. Axmed Maxamed Islaam (Axned Mdoobe), 68 cod.
  2. Hilowle Aadan Maxamed, labo cod.
  3. Cusmaan Xuseen Xaaji (Feyruus), labo cod.
  4. Maxamed Cismaan Yuusuf, waxba ma helin.

Tirada guud ee xildhibaannada codeeyey waxay ahayd 74 mudane, haseyeeshee labo cod ayaa xumaaday.

Markii lagu dhawaaqay natiijada, waxaa hoolka doorashadu ka dhacaysey hal mar qabsaday sacab iyo sawaxan.

Madaxweynaha la doortay oo si kooban u hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in mar kale dib loo doortey.

Axmed Madoobe wuxuu ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono horumarka bulshada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Murashaxiinta laga guuleystey oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha iyagoo sheegay in ay aqbaleen natiijada kasoo baxdey doorashada islamarkaana ballan qaadey in ay la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub.

Axmed Madoobe oo labadii sano ee u dambeeyey soo hoggaaminayey Jubaland, wuxuu muddo xileedkiisa cusub ku egyahay sanadka 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM