Kismaayo: Mas'uul sarre oo ku dhintay is-rasaaseyn

Image

KISMAAYO, Jubaland - Maareeyihii dekadda caasimadda kumeelgaarka Jubaland ee Kismaayo ayaa Axadii todobaadkan ku dhintay iska-hori-imaad dhexmaray ilaaladiisa, sidda xaqiijiyeen mas'uuliyiin amni.

Marxuum Cawil Cali Bare Cumar oo kamid ahaa mas'uuliyiinta aadka ugu dhow madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ifka kaga tegay xaas iyo caruur.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay murugada la wadaagayaan dhamaan dadka ay saameysay geeridan.

Sidda laga soo xigtay qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, is-rasaaseynta ayaa ka dhacdey bar kontarool oo ku yaala hoyga uu ka deganaa magaaladda.

"Hay'adaha amniga magaaaladda ayaa wadda baaris ku saabsan waxa sababay rasaastaa," ayaa la raaciyey bayaankan ku taariikheysanaa 24-ka Janaayo ee sanadkan cusub 2021.

Warka qoraalka ayaan lagu caddeyn hadii gacanta laamaha nabad-gelyadda ay ku jiraan askartii tacshiiradda dhexmartay iyo in lagu raadjoogo.

Bayaanka oo naxariista EBBE waxaa loogu rajeeyay marxuumka ayaa ugu dambeyntii waxaa qoyskiisa, ehelkiisa, caruurtiisa, iyo asxaabtiisa loogu duceeyay in  geeridiisa uu Ilaahey ka siiyo Samir iyo Iimaan.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM