Kismaayo: sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda oo toogasho lagu diley

Image

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda ee Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo lagu diley.

Labo nin wejiga soo duubtey kuna hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa inay  dhowr xabadood madaxa uga dhufteen xilli uu marayey agagaarka xaafadda Shaqaalaha.

Dableyda dilka geysatey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka Jubaland oo daqiiqado kadib soo gaarey halka uu dilku ka dhacay ayaa sameeyey hawlgal baaritaan ah oo muddo kooban socdey.

Booliska ayaa xiray dhowr qof oo falkaas lala xiriirinayo, kuwaas oo xilligan su'aalo lagu weydiinayo saldhiga dhexe ee booliska Kismaayo.

Xaafadda Shaqaalaha waxa horay uga dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo lala beegsaday mas'uuliyiin iyo ciidamo Jubalnad ka tirsan. Weerarradaas badankooda waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay Ururka Alshabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM