Kismayo: ciidanka oo qabtay hub iyo dad

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Ciidamada ammaanka ee Maamulka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka sameeyey howlgal lagu soo qabtay dad laga shekiyey iyo hub.

Howlgalka oo ka dhacay xaafadaha Shaqaalaha iyo Guulwade, waxay ciidamadu kusoo qabteen hub isugu jirey miinooyinka dhulka lagu aaso iyo baaskoolado dhowr ah.

Waxay sidoo kale ciidamadu isla howlgalkaas kusoo qabteen labo nin oo dhallinyaro ah. Nimanka oo ahaa kuwii hubka watey waxaa looga shekisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa Garowe Online u sheegay in labada eedaysane baaris lagu wado, si dhaqso ahna maxkamad loosoo taagi doono.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan uu magaalada Kismaayo ka furmi doono shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM