Kismayo: kulamo ka dhacey, qof lagu qabtey

Image

Xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka soconaya kulamo hor-dhac ah oo ku saabsan shirweynaha dib u heshiisinta  ee la filayo inuu dhowaan ka furmo magaalada Kismayo.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galeen siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan hogaanka dhaqanka gobolada Jubbooyinka kaasoo ka dhacay Hoteel Hadhwanaag ee magalada Kismaayo.

Ururada haweenka kuwa dhallinyarada iyo dhammaan Bulshada ku nool Kismaayo xubno matalayay ayaa kulanka goob joog ahaaa.

Wasiirka arrimaha bulshada maamulka Jubbaland Macallin Maxamed, afhayeenka maamulka Cabdinaasir seeraar Maax iyo duqa degmada Kismaayo Ibraahim Timo-JIlic ayaa kulanka ka soo qeyb galay dhinaca kale.

Madaxda maamulka ayaa bulshada ku boorisay in laga wada shaqeeyo nabada iyo in la-taabo geliyo helida hanaan nabadeed oo waara, sidoo kale shaqsiyaadka ra'yigooda ka dhiibtay goobta ayaa ugu baaqay maamulka in laga wada shaqeeyo in gogol nabadeed loo dhigo qabaa'ilada wax iska tabanaya ee gobolka ku wada nool.

Asbuuc kaddib ayaa lagu wadaa wajigii koobaad shirka dib u heshiisinta dadka daga Jubbooyinka uu ka furmo magalada Kismaayo ayadoo ay ka qeyb geli doonaan ergo ka kala yimid seddexda gobol ee uu maamulka ka kooban yahay.

Ciidamada Amniga oo qabtey qof qarax aasayey

Ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa caawa qabtay nin miino ku aasayay wadada dambe ee isbitaalka guud ee magalada Kismaayo.

Sida saraakisha ammaanka Kismaayo u sheegeen GO oo la xariirtay ayaa sheegay in wargelin ay heleen kaddib ciidanka amniga gacanta ku dhigaan ninka aasayay miinadaan.

Wadada dhabakra dambe ee Isbitaalka guud ee Kismaayo marta ayaa ah wada muhiim ah oo isku xirta dekedda Kismaayo, iyo saldhiga magalada Kismaayo.

Kismaayo ayaa wayadaan ka nasatay weerarka miinoyinka loo adeegsado kaddib markii la xoojiyay ciidanka nabad sugida kuwaasoo hawlgalo joogta ah ka sameeyay gudaha magalada.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM