​KISMAYO: Mid kamid ahaa Ergada Doorashada oo Dil lagu xukumay

Image

KISMAAYO, Somalia- Maxkamad ku taalla magaalada Kismaayo, oo ay leeyihiin ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Cumar Faarax Ismaaciil oo dilay mid kamid ahaa Ergada Doorashada Aqalka hoose.

Cumar Faarax Ismaaciil Loohaan, oo kamid ahaa Ergada Doorashada Beesha Shiikhaal ayaa Mindi ku dilay Cabdiraxamaan Maxamed Carab, oo ahaa Oday kale oo Ergada katirsanaa kadib markii ay iskhilaafeen.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu kasoo horjeeday Musharax Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa Wasiiru Dowlahii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, halka gacan-ku-dhiiglaha uu kamid ahaa Ergada dooratay.

Ciidamada amniga Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Dilaaga 5-tii November, waxaana ugu dambayntii maanta lagu xukumay Dil, waxaana Jubbaland sheegtay in dhawaan lagu fulinayo qisaasta.

Doorashadii dhawaan kusoo gabo gabowday, ayaa waxaa hareeyay khilaafaad iyo gacan ka hadal, waxaana ilaa hadda dhintay ku dhawaad Shan kamid ah Ergadii wax dooratay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM