​KISMAYO: Mid kamid ahaa Ergada Doorashada oo Dil lagu xukumay

Image

KISMAAYO, Somalia- Maxkamad ku taalla magaalada Kismaayo, oo ay leeyihiin ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Cumar Faarax Ismaaciil oo dilay mid kamid ahaa Ergada Doorashada Aqalka hoose.

Cumar Faarax Ismaaciil Loohaan, oo kamid ahaa Ergada Doorashada Beesha Shiikhaal ayaa Mindi ku dilay Cabdiraxamaan Maxamed Carab, oo ahaa Oday kale oo Ergada katirsanaa kadib markii ay iskhilaafeen.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu kasoo horjeeday Musharax Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa Wasiiru Dowlahii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, halka gacan-ku-dhiiglaha uu kamid ahaa Ergada dooratay.

Ciidamada amniga Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Dilaaga 5-tii November, waxaana ugu dambayntii maanta lagu xukumay Dil, waxaana Jubbaland sheegtay in dhawaan lagu fulinayo qisaasta.

Doorashadii dhawaan kusoo gabo gabowday, ayaa waxaa hareeyay khilaafaad iyo gacan ka hadal, waxaana ilaa hadda dhintay ku dhawaad Shan kamid ah Ergadii wax dooratay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM