Kismayo: Qarax lala beegsadey xero ciidamada lagu tabobaro

Image

22 August, 2015 (GO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee caasumada Jubbaland ayaa sheegaya in qarax culus uu ka dhacay xero ciidamada maamulkaasi lagu tabababaro.

Qaraxaan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid lagu soo xiray gaari noociisa yahay NOHA, kadibna xerada lala beegtey irrida hore ee xerada la yiraahdo Madhamaato.  Xilliga qaraxaanu dhacey ayaa wararku sheegayaan in ciidamadu ku jireen tababrkooda.  

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi oo soo gaaray ciidamada Jubbaland ee tababarka u taagnaa.

Saraakiisha Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inaysan bixin karin wax faah-faahin ah oo ku aadan qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo.

Wararka dambe ee Garowe Online kala soco khasaaraha qaraxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM