​KISMAYO: Wasiir loo diiday Aqalka hoose

Image

KISMAYO, Somalia- Mid kamid ah ragga raadinayay Kursi kamid ah Aqalka hoose qoondada maamulka Jubbaland uu ka helay Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa loo diiday inuu tartamo, waxaana dib loo dhigay doorashada kursigaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa lagu sheegay murashaxa lagu magacaabo, Maxamed Mukhtaar Ibrahim, oo ahaa wasiirka Macdanta iyo Badroolka xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, uusan u tartami karin kursi kamid ah kuwa beesha Gaaljecel.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ku dhaqmo waxyaabo ka baxsan ansaxa doorashada islamarkaana uu isticmaalay lacago laaluush ah oo qaytood siiyay ciidamada ammaanka, halka kuwo kale lasoo aaday Guddiga doorashada daban ee heer Jubbaland inkastoo aysan qaadan sida qoraalkan hoose lagu sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM