​KISMAYO: Wasiir loo diiday Aqalka hoose

Image

KISMAYO, Somalia- Mid kamid ah ragga raadinayay Kursi kamid ah Aqalka hoose qoondada maamulka Jubbaland uu ka helay Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa loo diiday inuu tartamo, waxaana dib loo dhigay doorashada kursigaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa lagu sheegay murashaxa lagu magacaabo, Maxamed Mukhtaar Ibrahim, oo ahaa wasiirka Macdanta iyo Badroolka xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, uusan u tartami karin kursi kamid ah kuwa beesha Gaaljecel.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ku dhaqmo waxyaabo ka baxsan ansaxa doorashada islamarkaana uu isticmaalay lacago laaluush ah oo qaytood siiyay ciidamada ammaanka, halka kuwo kale lasoo aaday Guddiga doorashada daban ee heer Jubbaland inkastoo aysan qaadan sida qoraalkan hoose lagu sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM