Kolonyo ka tirsan AMISOM oo degmada Marka qarax lagula eegtay

Image

May 10, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmey qarax maanta ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed lagu tuurey kolonyo ka tirsan gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM xilli ay marayeen meel u dhow saldhigga booliska ee degmada.

Ciidamada la weeraray ayaa qaraxa kaddib furey rasaas socotey qaddar daqiiqado ah, inkastoo cidina wax ku noqon.

Booliska ayaa hawlgal muddo kooban socdey ka sameeyey halka qaraxu ka dhacay, waxayna gacanta kusoo dhigeen dhowr qof oo laga shekiyey kuwaasoo xilligan baaritaan lagu wado.

Mas'uuliyadda qaraxaas ilaa hadda cidi ma sheegan, balse Al-shabaab ayaa horey u sheegatey weerarro badan oo caynkan oo kale ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM