Koonfur Galbeed: Askar cadaalad u raadisay geerida shacab oo la dilay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Wallow lagu dedaalayo in la qaboojiyo, xaalada degmadda Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa kacsan kadib dagaal ka qarxay halkaas oo dhexmaray ciidamo kawada tirsan Koonfur Galbeed.

Askarta is-rasaaseysay ayaa kuwada sugan degmada. Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal, afar askari oo dhinacyada ah ayaana ku dhintay dagaalka.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa daboolka ka qaadey in isku-dhaca uu salka ku hayo soo gacan-gelinta ciidamo ku lug-yeeshay geerida laba qof oo shacab ah.

Rayidka ayaa shalay oo Jimce ahayd ku geeriyooday rasaas lagu furay gaari ay la socdeen oo taagnaa kontarool lacag lagu qaado oo ku taala Buur-hakaba.

"Xabadda waxaa bilaabay ciidamaddii dooneysay in loosoo gacan-geliyo askartii dishay shacabka. Lama ogga hadii maamulka degmada uu soo diray iyo in kale," wariye madax-banaan ayaa sidaas u sheegay Garowe Online.

Mas'uuliyiinta oo warsidaha GO uu isku dayey in uu wax ka waydiiyey shaqaaqadaas ayaanan suuragelin aynu isgaarsiinta ku helno.

Ehelada dadka rayidka ah ee la dilay oo dalbadey in ay cadaalad helaan ayaa hogaanka dowlad goboleedka ku booriyey in uu soo farageliyo kiiskaas.

Buur Hakaba, oo asalka magaceedu ka yimid buur weyn oo ku taala bartamaha magaalada, ayaa masaafo ahaan waxay Muqdisho u jirtaa 180 KM, taas oo ka dhigan in qiyaastii loo socon karo muddo saddex saacadood ah.

Dhinaca kale, hal askari ayaa ku dhintay tirro kela waxaa soo gaarey dhaawac markii kolanyo ay la socdeen qarax Miino lagula eegtay duleedka Baydhabo, caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed, maanta oo Sabti ah.

Saraakiil dhanka amniga ah ayaa u sheegay GO in ay dad u soo qabqabteen falkaas, oo ay ku eedeeyeen maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa joogitaan weyn ku leh qeybo kamid ah degaanada maamulkaas, inkastoo ay socdaan howlgalo la doonayo in looga sifeeyo meelaha ay ku sugan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM