Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo soo afjaray xulista Aqalka Hoose

Image
Mareykanka ayaa bogaadiyey talaabadda ay qaadeen maamul goboleedyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamuladda Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa Isniinta maanta ah waxay soo gabagabeeyeen doorashada baarlamaanka 11aad, iyagoo ku biiray Banaadir iyo Somaliland oo xulistooda ay ka dhacdey Muqdisho.

Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo gabagabeyn doonta Jimcaha soo socda. Kuraasta qaar ee Hirshabelle iyo Jubaland ayaa ku haray oo aan la dooran sababo la xiriira khilaaf.

Mareykanka ayaa ku amaanay Koonfur Galbeed iyo Galmudug sida ay u soo dhameystireen hanaanka doorashada, waxa ayna rajo xumo ka muujiyeen fashilka Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ay ku waayeen waqtigii loogu talagalay ee 15-ka March.

"Waxaan garwaaqsanahay in la dhameystiray dhameystirka tartanka doorashadda ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Waxaan aqoonsannahay @Laftagareen iyo @MrQoorqoor ay kusoo afmeereen mudadii loo qabtey oo ah March 15. Nasiib darro, @Madaxweyne Madoobe, @SaidAbdullahiDe, iyo @GudlaweHussein ayaa seegay waqti kale oo muhiim ah," ayay tiri safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo qoraal ku daabacdey ciwaankeeda Twitter-ka.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo qoraal soo saarey ayaa u hambaleeyay mudaneyaasha kasoo baxay degaankiisa waxaana uu u rajeeyay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan.

"Dhinaca kale waxaan bogaadinayaa kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo shacabka Galmudug. Ugu dambeyntii, Waxaan balanqaadeynaa inaan sii xoojin doono dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta Maamulka," ayuu yiri.

Doorashadda madaxtinimada iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaadatay in ka badan hal sano waxaana sabab u ah wax ay mucaaradka ugu yeereen "kalsooni daradda iyo damaca boobka" madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey ee Maxamed Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM