Koonfur Galbeed oo fahfaahisay shirka guddiga farsamada

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Isniinta maanta ah si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in uu martigelinayo shir u dhaxeeya guddi farsamo oo min laba xubnood ay ku leeyihiin dowladda federaalka, maamuladda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ilyaas Saciid Cali, wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in ay rajeynayaan in shirka uu furmi doono maalinta berri oo Talaado ah.

Mr Cali ayaa hoosta ka xariiqay in ay filayaan in wafuuda wasiiradda ah ay ugu dambeyn maanta gaari doonan magaalada Baydhabo si shirka uusan dib uga dhicin waqtiga loo muddeeyay.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, wadahahalada ayaa diiradda lagu saarayaa qodobadii xudunta u ahaa burburka wadaxaajoodyadii Dhuusamareeb 4 oo ay kamid yihiin qadiyada gobolka Gedo, xulista wakiiladda Somaliland iyo guddiyadda maamulaya coddenta.

"Baahida keentay waa in loo talobadiyaa," ayuu hadalkiisa ku daray. "Madaxda waxaan ka rajeynaynaa in ay nala qaadan doonan qodobadda aan isla meeldhigi doono, hadii Ilaahey raali ka noqdo".

Guddigan farsamo oo shalay uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble ayaa meesha ka saarey shirka 15-ka Febraayo uu u muddeeyay Farmaajo kaasoo la isku qabtay meesha uu ka dhaco Garowe ama Muqdisho.

Beesha Caalamka oo soo faragelisay is-faham-waaga ayaa soo jeedisay in guddiga farsamo soo dhiraan-dhiriyo qodobadda ay isku hayaan madaxda isla markaana kadib isugu yimaadaan shir guud oo ay ku saxiixi doonan qodobadda muranka ka taagan yahay ee doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM