Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Image

BAYDHABO, Soomaaliya — Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si adag u dhaleeceysay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan olole ballaaran oo lagu sumcad-dilayo maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed, Maxamed Bilaal, oo soo saaray qoraal rasmi ah, ayaa sheegay in shakhsiyaad saameyn ku leh dowladda dhexe ay "abaabulayaan isla markaana maalin-gelinayaan" olole looga soo horjeedo xasiloonida iyo deegaanka nabadda ah ee ka jira deegaannada Koofur Galbeed.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddadWasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolkaa ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka, isagoo ku tilmaamay tallaabo "mas’uuliyad darro ah" oo loogu adeegayo dano gaar ah.

In kasta oo Wasiir Maxamed Bilaal uusan si toos ah magacyada mas'uuliyiintaas u sheegin, haddana wuxuu diray digniin culus, isagoo tilmaamay in maamulka Koofur Galbeed uu qorsheynayo in mustaqbalka dhow uu soo bandhigo magacyada iyo caddeymaha dadka ka dambeeya falalkaas carqaladaynta ah.

Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro ismari-waa siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho u dhaxeeya qaar ka mid ah madaxda dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah federaalka, taas oo walaac gelisay wadashaqaynta labada heer ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM