Koonfur Galbeed oo laga helay kiisaskii ugu horeeyay oo ah Corona

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Afar kiis oo ah Coronavirus ayaa laga helay degaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, sidda ay maanta ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka federaalka.

Wasiirka wasaaradaas, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa ku xaqiijisay xaaladahaan shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaaladda Muqdisho.

Balse ma aysan kala caddeynin magaalooyinka laga kala helay caabuqa, balse wararku waxay ku qeexayaan meelo ay ku jirto Baydhabo.

Tani ayaa ka dhigan in dhamaan dowlad goboleedyadda dalka uu gaarey xanuunka safmareenka ah, taas oo walwalka ku kordhineysa shacabka.

Koonfur Galbeed ayaa horey u soo rogtay talaabooyin ay kaga hortageyso cudurka, waxaana kamid ah bandow iyo joojinta qaadka.

Somaliland ayaa laga xaqiijiyey lix kiis, Puntland waa tobban xaaladood, Jubaland waa saddex, HirShabelle iyo Galmudug waa mid hal kiis.

Guud ahaan waddanka, 528 kiis ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyey. Dhimashadda waxay mareysaa 28, dadka ka caafimaadey ee faarujiyey goobaha karantiilka waa 18, sidda ay xustay Fowziya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM