Koonfur Galbeed oo mamnuucdey mootooyinka, Af-Saabka iyo Indho-shareerka
BARAAWE, Koonfur Galbeed - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Talaadadii ka mamnuucay isticmaalka mootooyinka, waji-xidhka iyo indho-shareerka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo ammaanka amniga si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warkan ayaa lagu sheegay kadib kulan uu shir guddoominayay wasiirka amniga gudaha Xasan C/qaadir Maxamed.
Qoraal kooban oo kulanka laga soo saarey ayaa lagu yiri: "Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Xasan Cabdulkhaadir Maxamed oo maanta shir la qaatey saraakiisha amniga ee ka howlgala caasimada Baraawe ayaa kala hadley xoojinta wadashaqeynta iyo adkeynta sugida amniga caasimada Koonfur Galbeed".
GAROWE ONLINE