Koonfur Galbeed oo mudaysay codaynta ka dhacaysa Baraawe

Image
Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa dardar ku socota sida uu sheegay guddiga coddeynta heer federaal.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay Musharaxiinta isu-soo sharaxay 13-kii kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaaladda Baraawe.

Musharaxiinta uu guddiga shaaciyay ayaa tiradoodu tahay 26 Musharax, waxayna doorashadooda kala qabsoomi doonta maalinta berri ah ee Arbacada oo la dooranyo 7 kursi iyo Khamiista oo la dooranayo 6 kursi.

Waxaa xusid mudan in kursi walba oo kamid ah 13-ka kursi ee Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ay u tartamayaan labo musharax oo keli ah, oo qaarkood ay yihiin kuwii hore ugu fadhiyay kuraasta.

Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday u diyaar-garowga doorashada oo maalinta berri ah si rasmi ah uga bilaaban doonta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa dardar ku socota sida uu sheegay guddiga doorashooyinka heer federaal, waxaana qorshuhu yahay in doorashadaan la soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan, oo hore u go’aamiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday 8 February 2021 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ciidan u adeegsanaya boobka doorashada 16-ka kursi ee Garbahaarey, 25-ka Beledweyne iyo 26-ka Baraawe sida uu fahamsanyahay Garowe Online.

HOOS KA AHRISO QORAALKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM