Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo markab ka afduubtay badda Carabta

Image
Dowaldda Sri Lanka ayaa sheegtay in ay qaadayso tillaabooyin lagu soo deynayo markaba.

Colombo (GO) - Waaxda kalluumeysiga ee dalka Sri Lanka ayaa sheegtay in burcad badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen markab kalluumeysi oo ay saarnaayeen 6 shaqaale ah.

Agaasimaha guud ee waaxda kalluumeysiga Sri Lanka, Susantha Kahawata ayaa warbaahinta u sheegtay in doonida ay burcadka qafaasheen laga soo qabtay badda Carabta.

Markabkan kalluumeysiga ah ayaa ka shiraacday Sri Lanka 12-kii Janaayo, waxaana lagu afduubtay meel 1,160 nautical miles u jirta soohdinta badda ee Sri Lanka.

Ma jiro wax xiriir ah oo ay Maamulka Sri Lanka la sameeyeen markabka, waxaana xogta ku saabsan markabka laga helay maraakibta u dhaweyd.

Dowaldda Sri Lanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaadayso tillaabooyin lagu soo deynayo markaba iyo kalluumeysatada la afduubtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM