Kooxda Al-Shabaab oo dishey qof u dhashey dalka Kenya

Image

KENYA [ Garowe Online+ Wakaaladaha]- Kooxda Al-shabaab oo dagaalka kula jirta ciidamada AMISOM ayaa maalinimada Jimcaha 22 August,2014 surka ka jartey qof dareewal ah oo u dhashey dalka Kenya goobta la yiraahdo Kiunga oo ku dhow magaalada Lamu.

Maydka George Mwita ayaa laga heley keymaha la yiraahdo Boni Forest oo ay ku dhuumaaleystaan kooxda Al-Shabaab kadib markii ciidamada Kenya KDF iyo Booliska isku dayeen iney badbaadiyeen wadahaan.

Gudoomiyaha magaalada Lamu ayaa saxaafada u xaqiijiyey in maydka George Mwita la helay isagoo gacmaha laga xirey islamarkaasna surkiisa labo loo kala gooyey iyadoo howlgalkaan lagu badbaadinayo ninkaan uu dib dhac ku yimid kadib markii roobab xoogan ka da'een dhulkaan kaymaha ah.

Afhayeen Booliska dalka Kenya u hadley ayaa sheegey in Mwita sadex nin oo saaxibadiis ah ee la socdey ahaayeen kuligood Muslimiin kooxhaana sii-daayeen.

Booliska oo hadalkooda sii wata ayaa saxaafada dhinaca kale u sheegey in labaatan ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaasoo aad u hubeysnaa u baxsadeen dhanka Somalia markii ay fuliyeen weerarkaan.

Afartaan qof ayaa markii weerarkaan gaadmada ah lagu qaadyey waxay wadeen gaari sidey maandooriyaha Qaadka kuwaasoo ku dhowaa magaalo aan ka fogeyn xadka Somalia.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM