Kooxo dil iyo kufsi ka gaystay magalada Kismayo

Image

10 November, 2015(GO)-Kooxo aan haybtooda la aqoon ayaa kufsi iyo dil ka gaystay nawaaxiga magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland.

Hal qof oo beeralay ah ayaa ku dhintay deegaanka Goobweyn oo dhaca duleedka Waqooyi ee magaladaasi, waxaana dilkan uu dhacay xilli habeenimo ah, isagoo ku sugnaa hoygiisa.

Kooxda dilka gaystay ayaa sidoo kale kufsi kula kacay dhawr haween ah, oo ku sugnaa goobtaasi.

Ilaa hadda kama aysan hadlin maamulka Jubbaland, lamana xaqiijin cidda ay ahaayeen shakhsiyaadka falkaasi gaystay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM