Korea-da Woqooyi oo sheegatay Hydrogen Bomb

Image

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa dunida ka go’doonsan uu hormariyey bom hydrogen ah.

Wakaaladda wararka Korea-da Waqooyi ee KCNA ayaa Kim kasoo xigatay isaga oo sheegaya in Korea-da Woqooyi ay iminka tahay “Dal haysta hub nuclear oo xooggan, diyaarna u ah inuu qarxiyo bam atoomik ah iyo mid hydrogen ah, si madax banaanidiisa uu u difaaco”.

KCNA waxa ay sheegtay in Kim uu hadalkan jeediyey isaga oo kormeeraya goobta milatari ee taariikhiga ah ee (Phyongchon Revolutionary Site) ee magaalada Pyongyang.

Bamka hydrogen-ka ayaa ah mid aad uga xoog badan kan Atomic-ga, sababta oo ah aad ayuu uga hormarsan yahay taknoolaji ahaan.

Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan sirdoonka dalkaas uu u sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo taageeraya sheegashada Kim.

Korea-da Waqooyi ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhaqaale, kadib markii ay fulisay saddex tijaabo hubka nuclear-ka ah oo dhulka hoostiisa ka dhacay sanadihii 2006, 2009, iyo 2013-kii.

VOA

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM