Kormeer uu Rooble ku tegay isbitaalo oo waddooyin muhiim ah loo xiray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

 

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta booqday qaar kamid ah Isbitaallada Dowladda, waxaana kormeerkaas loo xiray waddooyin muhiim ah oo ku yaala caasimada.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in uu u kuurgalayey adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed, "maadaama Xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay soo celinta adeegyadii caafimaadka dadweynaha".

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa lagu soo bandhigay magacyadda qaar kamid ah isbitaalada uu indha-indheeyay Mr Rooble.

"Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso," ayaa lagu yiri.

Waxaa la raaciyey: "Isbitaallada Dowladda ee Martiini iyo Banaadir ayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobollada dalka waxa ay ka helaan adeegyo bilaash ah, wuxuna xusay Ra’iisul Wasaare Rooble in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegga caafimaad ee laga helo xarumahan".

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan," ayaa lagu soo xiray.

Socdalkan ayaa ah midkii ugu horeeyay oo uu Rooble kaga soo baxo Madaxtooyada isla markaana soo aado qaybaha magaala madaxda tan iyo markii la magacaabay 17-kii September ee sanadkan 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM