Ku dhowaad 20 Soomaali ah oo laga helay safmarka faafa ee Covid-19

Image

ATHENS, Greece – Mas'uuliyiinta Gariiga ayaa sheegay in ay Covid19 ka heleen 17 soogalooti Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa 38 qaxooti oo Jaziirada dalkaas ka tirsan ee Lesbos ku galay Doon, 6-dii bishaan August, 2020.

Kiisaska bukaanadan lagu karantiilay xerada barakacyaasha ee Kara Tepe ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee laga helo xeradaas.

Michael Batzakis, oo ah maareeyaha xeraddan oo xaaladeedu wanaagsanaa kahor kiisaskan ayna booqan jireen siyaasiyiinta, ayaa tibaaxay in ay ku jiraan 1,011, isagoo wanaag u rajeeyay muhaajiriinta badqaba.

"Waxaanu dooneynaa in aan xaqiijino caafimaadka gudaha xerada. Si taas loo gaaro waxaanu siinay agabka ka hortagga iyo cunto. Si todobaadle ah ayaana u baari doonaa tirada kale ee inoo dhiman," ayuu xusay.

Afartan kun oo muhaajiriin ah ayaa ku sugan Gariiga ah, kuwaas oo baadigoobaya magan-gaylo. Xeryaha ay joogaan waxay u nug-linayaan halista fayruska maadaama aan loo hogaan-samin shuruucdda xakameynta.

Qaxootigaan ayaa badankooda ku sugan Jaziirada Greece, halkaasoo ay ku yihiin rajo sugayaan, wallow wadamada Yurub ay si cad uga biyo-diidan yihiin qaabilaadooda, Gariigana uu xuduudihiisa kasii xiranayo.

Soomaalida ayaa kamid ah soogalootigaas oo qaarkood ka tegaya Turkiga, iyagoo sheegaya in ay raadinayaa nolol dhaanta tan wadanka hooyo. Shaqo la'aan, amni iyo ka qeyb-gal la'aanta siyaasadda waa caqabadaha haysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM