Ku dhowaad 60 qof oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaal beeleedyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta Soomaaliya ayaa galaaftey nolosha ku dhowaad 60, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo dad dusha kala socda xaaladahaas.

Isku dhacyo laga soo wariyey duleedka galbeed ee caasimada ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo ayaa lagu dilay dad tiradoodu u dhaxeyso 20 illaa iyo 30, kuwaas oo badankood ah dad shacab ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa amray laamaha ammaanka in ay qaboojiyaan xiisada ayaa dhinacyada dagaalamay uga digay in ay jebiyaan xabad-joojinta ay ka shaqeeyeen nabadoonadda.

Iska hor-imaad ka dhacay degmadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 24, kuwaas oo 20 kamid ah ay shacab yihiin.

Ugu yaraan todoba qof oo afar kamid ah ay rayid yihiin ayaa lagu dilay tacshiirad laga soo tabiyey magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay.

Cabdicasiis Laftagareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu guddi u saarayo baaritaanka cidda hurineysa colaadda.

Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo nasiib xumo ku tilmaamay in dhiig Soomaaliyeed uu macno darro ku daato ayaa madaxda gobolada faray in ay kala dhex-galaan beelaha diriray.

Inta badan dagaal-beeleedyadda laga soo wariyey qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo muddo soo jiray iyo loolan siyaasadeed oo qabaa'ilka qaarkood u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM