Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Addis Ababa kaga qeyb galay shir looga hadlay ATMIS

Image
Shirkan ayaa looga arrinsanayay guulaha laga gaaray howlaha howlgalka ATMIS.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir uu qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.

Wasiir Cali Cumar Cali (Balcad) oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ku guulaysatay in Ciidamada xoogga dalka loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta “AS” sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibbada Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen “marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaartay.”

Shirkan ayaa looga arrinsanayay guulaha laga gaaray howlgalka ATMIS, waxaana sidoo kale ka soo qeyb galay diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka mid ahaa wafdiga Wasiirka.

Khuburada Dowladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shirka.

Shirkan ayaa looga dooday natiijooyinka laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada xoogga dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM