Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib hakad dhowr toddobaad ah socday, ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah dib loo furay kulamadii caadiga ahaa ee Gollaha Shacabk ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo calaamad u ah in xaaladdii cakirnayd ee mudada dheer socotay la xaliyay.

Xildhibaanada ayaa maanta dib u bilaabay shaqooyinkooda kulamada xili uu Aadan Madoobe ku maqan yahay safar dibadda ah, waxaana kulanka lagu tilmaamay guul laga gaaray ismari-waagii siyaasadeed ee hareeyay baarlamaanka.

Gudoomiye Ku-xigeen Abshirow ayaa shir gudoomiyay kulankii Maanta, kaasoo hadallo kulkul isku dhaafsadeen Xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa mucaafidka ah ee taageera Xukuumadda Xamse iyo Madaxtooyadda.

Xildhibaan Muxaafid ah,“Gudoomiye Abshirow Hadii Arbacada Fowdo ka dhacdo Baarlamaanka adigaa Masuuliyadeeda qaadaayo”.

Xildhibaan Mucaarad ah,“Gudoomiye Abshirow Raali ka noqo gafka ay kuu geysteen Xildhibaanada Villada ku xiran”.

Balse dib u furista baarlamaanka ayaa timid kadib muran siyaasadeed oo ka dhashay isku day lagu doonayay in looga qaado xasaanadda xildhibaan mucaarad ah, Abiib, taasoo keentay mooshin xil-ka-qaadis ah oo sababay in baarlamaanku hakad galo.

Muran xooggan ayaa ka dhashay arrintaas, iyadoo xildhibaanada qaar ay ku tilmaameen weerar siyaasadeed oo ka dhan ah xubnaha mucaaradka, halka kuwa kalena ay difaaceen in la xisaabtamo dhammaan xubnaha baarlamaanka.

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka ayaa laga filayaa in ay kor u qaaddo kalsoonida dadweynaha iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM