Kulan Ciyaareed xiiso leh oo Galabta dhaxmari doona Xulalka Galmudug & Hirshabeelle

Image
Taageereyaasha ka qeyb galaya ciyaartan ayaa la filayaa inay soo buux dhaafiyaan garoonka.

Muqdisho, Soomaaliya - Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad-Goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeyn doonaa Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, iyadoo finalka ay isugu imaanayaan xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle.

Taageerayaasha labada Xul ayaa tan iyo waaberigii soo xaadiray garoonka, iyadoo seeriga ciyaarta lagu wado in lagu dhawaaqo saddexda galabnimo.

Labada kooxood ayaa si wanaagsan ugu diyaar garoobay ciyaarta, iyadoo ciyaartoyda labada xul ay taageero weyn ka heleen madaxda maamulada ay matalaan.

Waa markii labaad oo xulka Galmudug si xiriir ah u gaaraan finalka tartankan, halka xulka Hirshabeelle ay markii ugu horeysay tahay soo gaaraan heerkaan.

Dhinaca kale taageereyaasha ka qeyb galaya ciyaartan ayaa la filayaa inay soo buux dhaafiyaan garoonka, iyadoo laamaha ammaanka ay soo saareen fariimo ay ku dalbanayaan in ammaanka la ilaaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM